Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Cabsi dagaal oo ka soo cusboonaatay Kismaayo

Published on: 2007-05-13 07:56:51

(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in cabsi dagaal ay halkaasi ka jirto, kadib markii gudaha magaalada iyo banaankeeda laga dareemay abaabulo dagaal.

Wararka waxa ay leeyihiin xalay ilaa shalay waxaa laga maqlayay gudaha magaalada rasaas inta badan cirka loo ganayay, kuwaasi oo aan la ogeyn sababaha keenay, balse wararka qaar ay sheegayaan inay yihiin diyaar garoow dagaal oo Kismaayo ka socda.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamada isku hor fadhiya duleedka magaalada Kismaayo ay saakay soo celiyeen gaadiidka doonayay in ay halkaasi maraan, kuwaasi oo badankood magaalada soo geliya khudaarta oo ay ka keenaan deegaanada Gosha.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud iyo guryeynta dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed wareegto uu shalay soo saarey uu ku sheegay in xafiisyada dowlada aaney shaqeyn karin, taasi oo xubnaha maamulka ee iminka Kismaayo ku sugan ay aad uga caroodeen.

Dhinaca kale, arintan waxa ay ku soo beegmeysaa iyada oo shalay xilkiisii wasiirnimo laga qaadey wasiirkii gaashaandhiga Barre aaden Shire (barre-Hiiraale).

Back to Category