Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Cali Mahdi oo shir jaraa\'id Muqdisho ku qabtay

Published on: 2007-05-22 08:13:30

(SomaliNet) Gudoomiayaha gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed md Cali Mahdi Maxamed oo maanta shir jaraa\'id Muqdisho ku qabtay ayaa tilmaamay in gudi ka socda gudiga qaban qaabada shirka ay dhawaan u ambabixi donaan qeybo ka mid ah Somalia.

Md Cali Mahdi wuxuu sheegay in 28 xubnood ay dhawaan u kala bixi doonaan ilaa 15 gobolka oo ka mid ah gobolada Somalia si ay ugu soo sharxaan fariin ay ka wadan gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisinta soomaaliyeed hogaamiyayaasha beelaha soomalaiyeed iyo maamulada ka jira gobolada dalka Somalia, kuwaasoo la doonaya inay ka soo qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed oo dhawaan lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco.

Cali Mahdi wuxuu kale oo uu shirkiisa jaraa\'id kaha hadlay in ugu dambeyn gudiga loo dirayo gobolada ay Muqdisho dib ugu soo laaban doonaan 10 bisha Jun ee soo socota.

Md Cali Mahdi wuxuu kale oo uu xusay in qaar ka mid ah gudiga qaban qaabada shirka ay haatan ku maqan yihiin magaalada Nariobi ee dalka Kenya, kuwaasoo uu ku sheegay inay kulano la leeyihiin wakiilada dalalka deeqda bixi, kuwasoo balan qaaday inay dhiibayan qarashaadka ku baxaya shirka dib u heshiisiinta sooaaliyeed ee lagu qado inuu qabsoomo bartamaha bisha Jun ee fooda inagu soo heyso.

Back to Category