Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Cali Maxamed Geedi oo gaaray Baladweyn

Published on: 2007-06-10 08:10:24

(SomaliNet) Ra\'iisul wasaaraha dowlada federaalka ee Somalia Prof, Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladeyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ra\'iisul wasaaraha Somalia ayaan ilaa iyo hada si dhab ah loo ogeyn sacdaalkooda waxyabaaha uu ku saabsan yahay, hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in socdaalka ra\'iisulw asaaraha iyo wafdigiisa uu la xiriiro sidii uu ugu tacsiyeyn lahaa ehelada madaxweynihi hore ee Somalia oo maalinimadii Jimcihii ku geeriyooday magaalada Nariobi ee dalka Kenya.

Ra\'iisul wasare Cali Maxamed Geedi iyo wafdigiisa ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo wafdigaasi ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Somalia md Maxamed Maxamuud Guuleed ( Gacmo- Dheere) iyo xubno kale oo ka soo jeeda gobolkaasi.

Ra\'iisul wasaaraha Somalia ayaa lagu wadaa inuu isla maanta dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho si uu bari uga qeyb qaato aaska madaxweynihii hore ee Somali marxuum Aadan Cadde oo lagu wado inuu dhaco, iyadoo qabanqaabo loogu jiro sidi Muqdisho loogu soo duulin lahaa meydka Aadan Cadde.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Cali Maxamed Geedi uu ku tago magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan tan iyo markii xilka ra\'iisul wasaaraha Somalia loo magacaabay.

Back to Category