Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ciidamada AMISOM oo qarxiyay hubkii ugu badnaa

Published on: 2007-06-21 07:58:04

<|mogadishu200706211.jpg| |left|>(SomaliNet) Ciidamada AIMSOM ee howlgalka ka wada magaalada Muqdisho ayaa maanta qarxiyay hub aad u fara badan.

Ciidanka midawga Africa ayaa soo bandhigay ilaa 8 Kun oo isugu jira bambooyinka, miinooyin iyo aalado kale oo loo isticmaalo qaraxyada, kadibna waxay ku qarxiyeen gud weyn oo ku yaalo agagaarka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Captain Musaa oo ah masuulka u qaabilsan qarxinta miinooyinka ciidamada Uganda ayaa saxaafada u sheegay in hubka maanta la qarxiyay uu yahay mid duugoobay, balse qatar ku dhalinkara shacabka soomaaliyeed, wuxuuna Muusaa cadeeyay in hubkan ay dowlada federaalka ee Somalia ay ku wareejisay si loo gubo.

Captain Muusaa wuxuu kale oo uu cadeeyay in howlgaladii ay maal-mihii tagay ay sameeynayeen ciidamada Somalia iyo kuwa Ethiopia ay ku soo qab qabteen hubkan iyo kuwa kale oo uu sheegay inay maal-maha soo socday ay ku qarxin doonaan Muqdisho.

Ma ahan hubkii ugu horeeyay ee ay ciidamada Uganda ay Muqdisho ku qarxiyeen tan iyomarkii ay Somalia yimaadeen, hase yeeshee dhawaan ayay ciidamada Uganda ay hub aad u fara badan ku qarxiyeen isla deegaanka xalane ee Muqdisho.

Dhanka kale gudoomiyaha gudiga nabadgelyada qaranka Somalia Gen, Maxamed Warsame Darwiish ayaa shacabka ugu baaqay inay ka nixin hub ay dowlada federaalka ee Somalia ay ku qarxin doonto Muqdisho, wuxuuna hubkani noqonayaa midkii ugu badnaa ee ay ciidamada uganda qarxiyaan.
<|mogadishu200706212.jpg| |center|><|mogadishu200706213.jpg| |center|>

Back to Category