(SomaliNet) Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia ayaa saakay baritaano ka sameeyay deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho, halkasoo la sheegay inau ka baarayeen hub iyo waxyaabaha qarxa.
Dadka deegaanka Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa Somalianey u sheegay in saakay halakasi ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dolwada federaalka ee Somalia, kuwaasoo hakad galiyay isku socodka gaadiidka B.L-ka iyo dadkaba , iyadoo ay gabi ahaanba ay xireen wadooyinka soo gala deegaankaasi.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadu ay baaritaano ku sameynayeen iskuulo iyo garaashyo deegaankaasi ku yaalay, kuwaasoo ay tuhmayeen inay ku duugan yihiin hub iyo waxyaabaha qarxa sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo qadka teleefoonak kula xiriirnay, laakiin dadkaasi ma aysan cadeyn in ciidamdu ay halkaasi hub ka haleen iyo in kale.
Holwgalo ay hore u sameeyeen ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo kuwa Ethiopia ayay hore gacanta ugu dhigeen hub iyo waxyaabo kale oo qarxa, kuwaasoo badankood ay dhulka hoostiisa ka soo bixiyeen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!