(SomaliNet) Mintidiin islaami ah ayaa caawa weerar baasuke oo gaadmo ah ku qaaday ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh warshadii hore ee Baastada ee ku taalla waqooyiga Muqdishu, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Weerarka ayaa bilowday 6:40 salaadii maqrib ka dib waxa uuna dhamaaday 7:20 fiidkii ee caawa iyadoo kooxahu ay baasuukayaal ku weerareen saldhiga Ethiopian-ka.
Lama soo sheegay wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Ethiopia. Labada dhinac waxa ay isticmaaleen hubka culu culus iyadoo dhawaqa qaraxyada laga maqlayey xaafadaha ku xeeran warshada baastada.
Dadka deeganka ayaa u sheegay Somalinet in rag isa soo qariyey ay weerarka fuliyeen iyadoo askarta Ethiopia-na ay ku jawaabeen hubka madaafiicda. Koocaxah muqaawamada ayaa wada inay fuliyaan weerar habeenkii dhaca oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku qaadayaan ciidamada dowlada iyo xulufada Ethiopia.
Weerarkan caawa ah ayaa yimid iyadoo maanta ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia ay bareen guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla qeybta koonfureed ee Muqdishu , iyagoo xir xiray tobaneeyo dad ah isla markaana la wareegay hub.
Dhinaca kale shan qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal qabiil oo ka dhacay magaalada Jilib oo 400km koonfur kaga beegan caasimada Muqdishu.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!