(SomaliNet) Ciidamada Ethiopian ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay dilay labo ka tirsan dhalinyarada ku dhaqan agagaarka warshada baastada ee magaalada Muqdisho.
Wararka ka soo baxaya dilka labadaas wiil ee dhallinyarada ah oo ah kuwo iska soo horjeeda ayaa qaarkood waxay sheegayaan in qaraxa bambaanada uu ahaa mid lagu tuuray gudaha Warshadda taasina ay keentay inay rasaas xoog badan furaan Ciidammada Ethiopian-ka iyagoo labada wiilna ay rasaastii ay fureen ciidamadaasi ku geeriyoodeen, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in dilka wiilashaasi ay ka dambeeyeen kadib markii uu qarax ka dhacay xalay meel wax yar u jirta fariisinka ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin warshadii hore ee baastada kadibna ay ciidmadu sidaasi rasaasta ku fureen dabadeedna ay halkaasi ku geeriyoodeen wiilashaasi.
Maydadka labadasi wiil ayaa waxaa saakay meeshaasi ka qaaday ciidamo ka tirsan booliska Somalia, iyadoo aan la ogeyn in ay eheladooda gacanta u galiyeen maydadka iyo inkale.
Ciidamada Ethiopia ayaa saakay heegan buuxa galay, waxaana la arkayay iyaga uu gudaha u galay qeybo kamid ah xaafadaha ka ag dhow warshadii baastada ee Muqdisho si ay uga hor tagaan dhibaato iyaga lala beegsado.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!