(SomaliNet) Boqolaal ka tirsan ciimada Ethiopia oo si aad ah u hubeysan ayaa saakey howl gal ka fuliyey degmada ay qalaalasahu ka taagan yihiin ee Huriwaa ee waqooyiga Muqdishu ka dib markii ciidamada dowlada KMG ay baneeyeen fariisamo ay ku lahaayeen magaalada.
Dadka deegaanka Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Huriwaa ayaa u sheegay Somalinet in ay saakey ku soo tooseen askar Ethiopian ah oo aagag ka xirtay luuq kasta, isla markaana gooyey dhamaan wadooyinka soo gala kaan baxa deegaankaasi.
Ciidamada ethiopai ayaa waqti kooban joojiyey dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee degmada Huriwaa taasoo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka kooxaha wax iskacaabinta oo iyagu dhowaanahanba waday weeraro gaadmo ah oo ay ku qaadayeen fariisimada ay joogaan ciidamada dowlada KMG.
Wax faahfaahin ah lama bixin ah howlgaladan ugu dambeeyey ee ciidamada Ethiopia ay ka fuliyeen qeybo ka mida Muqdishu.
Intii uu socday howlgalkaasi ayaa bambaano lagu tuuray askarta Ethiopia, laakiin lama soo sheegay khasaare ka dhashay weerarkaasi.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii cidamada dowlada KMG ay baneeyeen fariisamadooda meel ku dhow isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS, iyadoo sida la sheegayna ay xamili waayeen weerarada aan kala joogsiga laheyn ee lagu hayo.
Kooxaha wax iskacaabinta ayaa ku soo xoogeesanyey degmaad Huriwaa iyagoo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadaya goobaha ay joogaan ciidamada dowlada.
Dhinaca kale, kooxaha mintidiinta ah ayaa xalay hoobiyaal ku weeraray saldhiga ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin garoonkii hore ee kubada cagta ee Muqdishu.
Ethiopian-ka kama aanay jawaabin weerarkasi, lamana soo sheegay wax khasaare ah.
Dhinaca kale, afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdi Waaxid Maxamed Xuseen ayaa beeniyey in askarta dowlada ee ku sugan wadada sodonka xalay weeraray.
Waxa uu sheegay in dhacdadii xalay aheyd ciidamada oo kala shaliyey oo rasaas isku riday.
Sidoo kale warara Muqdishu waxaa ka mida suuqa ugu weyn caasimada ee Bakaaraha oo in dhowaalaba ravshado ay ka jireen ayaa maanta caadi ku soo laabtay iyadoo dhamaan ganacsiga uu dib u furmay.
5-tii bishana, iska horimaadyo ka dhacay gudaha Bakaaraha ayaa sababay dhimashada 10 ruux oo u badan rayid iyo dhaawac soo gaaray 35 kale , sida ay sheegayaan ilaha xaga caafimaadka.
Jimcahii Shalay aheydna, saraakiil ka socotay ciidamada Midowga Afrika ee jooga Muqdishu,gudiga amaanka qaranka iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxa ay yeeshee kulan ay uga hadalayeen sidii loo sugi lahaa amaanka suuqa Bakaaraha iyo sidii suuqa looga dhigi lahaa aaga dagaalka ka caagan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!