Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ciidamada Ethiopia oo isaga baxay deegaanka suuqa Xoolaha

Published on: 2007-05-11 08:31:06

(SomaliNet) Ciidamada Ethiopian-ka ahaa ee ku sugnaa deegaanka suuqa xooaha ayaa lagu soo waramaya inay halkaasi isaga guureen.

Ciidamada Ethiopia ayaa u dhaqaaqay dhanka deegaanka Dermooleey iyo Ceel-cirfiid, halkaasoo ay ay horey fariisimo ugu lahaayeen ka hor intii aano dhicin dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho, waxaana haatan ku haray waxoo ciidamo ah.

Dadka deegaanka suuqa xoolaha ayaa Somalianet qadka teleefoonka ugu sheegay inay arkayaan gaadiidka ciidamada Ethiopia iyo ciidamo aad u fara badan oo maal-mihii tagay ku sugnaa suuqa xoolaha oo isaga baxaya halkaasi, waxayna tilmaameen in ciidankaasi ay ku sii jeedeen dhanka degmada Balcad oo Muqdisho waqooyi kaga beegan ilaa 30 K.M.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay halkaas uga guureen ciidammada Ethiopia ee halkaas ku sugnaa maal-mihii tagay, waxaayse wararka qaarkood ay sheegayaan in laga yaabo inay dib ugu soo laabtaan saldhigyadaan, maadaama ay weli ku sugan yihiin saraakiishooda.

Back to Category