(SomaliNet) Ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku lahaa xarunta Villa Baydhabo ee deegaanka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa isaga baxay xaruntaasi
Ciidamadaan oo todobaad ka hor soo degay xaruntaasi Villa Baydhabo ayaan la ogeey sababaha ay uga guureen halkaasi iyo goobta ay rasmi ahaan u dhaqaaqeeen, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidankaasi ay u soo ambabaxeen dahnka aaga Tarbuunka, halakasoo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada iyaga ka soo horjeeda ee wax iska caabinta loo yaqaano.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka qabay intii ay ciidankaasi deganaayeen xarunta Villa Baydhabo ee degaanka Madiina.
Ciidamada Ethiopian-ka ah ee dagaalada kula jira kooxaha soomaaliyeed ayaa maal-mihi tagay waday inay marba meel fariisin ka sameystaan, kuwasoo doonayo inay howlago mileteri ka sameeyeen qeybo kamid ah magalada Muqdisho.
Dhanka kale waxa isla goobtaasi degay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo horey u deganaa ka hor intii aysan cidiamada Ethiopia soo gaarin xarunta Villa Baydhabo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!