(SomaliNet) Labo qofood ayaa geeriyootay, inku dhowna 8 qofood dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay ciidamada Ethiopian-ka ah ee ku sugan wadada warshadaha ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari Mini-Bus ah oo marayay wadadaasi.
Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa ka id ahaa labo haween ah iyo wiil yar oo socday, kuwaasoo ka yimid dhanka magaalada Wanle-weyne ee gobolka Shabeelada hoose, waxayna dadkaasi wadeen haweeney uur leh oo sida la sheegay Teetano ku dhacday, waxayna u wadeen isbitaalka S.O.S. ee magaalada Muqdishio sida ay Somalinet u sheegeen qaar ka mid ah ehelada dadkii maanta rasaasrta lagu furay.
Ciidamada Ethiopian-ka ee rasaasta ooda kaga qaday dadka rayidka ah ee watay gaariga Mini-Buska ah ayaa hadana xayiraad u geystay dadkii ay dhaawaceen taasoo sida la sheegay dhiigbax ay ugu geeriyoodeen labo qofood ee geeriyootay.
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho ayaa shalay dagaal ka fool ka fool ah la galay kooxo maleeyshiyaad ah oo ku sugan deegaankaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!