(SomaliNet) Ciidamada dowlada federaalka ee Somalia ayaa baaritaano ka bilaabay saakay isgoyska K.M. 4 ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay shalay ilaa iyo xalay uu iska hor-imaadyo ka taagnaayeen.
Ciidamada dowlada Somalia ayaa hakiyay dhamaanba gaadiidka, iyadoo la arkayay gaadiidka B.L-ka ah oo ku eg meel aad uga fog isgoyska K.M. 4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo mararka qaar la arkayay gaadiidka oo dhexmaraya wadooyinka xaafadaha ku yaalo, waxana jirtay in dadku ay inta badan si raxan raxan ah ay u lugeynayeen jidadka waa weyn ee mara agagaarka goobtaasi.
Kooxo hubeysay aya xalay weerar gaadmo ah ku qaday ciidamo Uganda ah oo marayay wadada K.M. 4 ee magalada Muqdisho, halkaasoo uu iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamada Uganda iyo kooxo aan heybtooda la garan, kuwaasoo ay israsaaseyn xoogan isweydaarsaday, iyadoo lagu soo waramaya in ilaa iyo saakay ay meydadkii ddku ku geeriyooday ay yaaleen goobtaasi, inkastoo qaarkood la qaaday saakay kadib markii la aqoonsaday meydadkaasi.
Shalay ayay aheyd markii kooxo hubeysay ay ku dileen labo nin oo ka tirsan ciidamada dowlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo hubkii ay heysteena ka qaatay.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid fara ka sii baxaya maalinba maalinta ka dambeyso, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka iyo dhaca loo geysto qeybaha kala duwan ee bulshada soomalaiyeed ee Muqdisho ku nool.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!