(SomaliNet) Cidiamada Ethiopia ayaa maanta qab qabtay qaar ka tirsan culumada Tabliiqa ee ka mid ah dariiqooyinka culumada soomaaliyeed ee ka jira dalka Somalia.
Qab qabashada culumada Tabliiqa ayaa ka dambeeysay kadib markii ay ciidamada Ethiopian- ah iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia ay baaritaano ka sameeyeen qeybo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, iyagoo ciidamadu ay maanta qabteen ay ciidamo kala soo baxeen masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Muqdisho sida ay Somalinet u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan qadka teleefoonka kula xiriirnay.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa booliska Somalia ayaa sidoo kale guryaha ku yaalo xaafada Heliwaa baritaano kala duwan ku sameynayay maanta si ay bal ciidanku gacanta ugu dhigaan hub ama waxbaahaba qarxa.
Baaritaanka maanta lagu sameeyay xaafada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay akdib markii labadii maal-mood ee tagtay qaraxyo ismaadaamin ah lagu sameeyay guriga ra\'iisul wasaaraha Somalia Prof Cali Maxamed Geedi iyo Gen, Gebra oo ah taliyaha ugu sareeya ciidamada ethiopia ee Somalia jooga.
Qaraxyada iyo dilalka ayaa maal-mihii dambe ku badanayay magalada Mqudsiho, iyadoo aysan jirin wali cid loo qabtay, waxayna taasi muujineysaa sida aan xaalada nabadgelyo ee Muqdisho la isugu haleynkarin, iyadoo xiliyada ay qaraxyadu ka dhacaan magaalada Muqdisho ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia ay gabtaan dadka fara badan oo galabsan wax dambi ah, kuwaasoo waqti dheer ku jira xabsiyada dowlada Somalia si baaritano loogu sameeyo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!