(SomaliNet) Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa dardar-gelisay talaabooyinkeeda xaga amaanka ee ay ka wado Muqdishu si ay u xaqiijiso qabsoomida shirka dib u heshiisiinta qaran ee lagu wado inuu maalinta Axada ee beri ah ka furmo Muqdishu iyadoo tiro badan oo ciidamada iskaashaday ee Ethiopian-ka iyo Soomaalida la dhigay dhamaan aagaga ay dowladu ay u aragto inay yihiin meelaha ugu daran ee laga soo weerari karo.
Qaar ka mida wadooyinka waaweyn ee waqooyiga iyo koonfurta Muqdishu ayaa la dhigay ciidamo aad u hubeysan oo wata baabuurta gaashaaman iyo taangiyo, waxayna wadaan baaritaano ay ku sameenayaan labaduba dadka iyo gawaarida.
Askarta Soomaalida ayaa intooda badan waxaa laga keenay xerooyinka militariga ee ku yaalla duleedada Muqdishu si ay u xoojiyaan howlgalada looga gol leeyahay in nabada lagu soo celiyo.
Taangi Ethiopian ah ayaa lagu arkayaa isgoys kasta oo ka mida caasimada. Maxamed Musyidiin, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa u sheegay Somalinet in talaabada cusub ee militari ay tahay mid lagu xoojinayo amaanka, loogana hortagayo falal kasta oo carqalad ah oo lagu waxyeeleenayo qabsoomida shirka Axada furmaya.
Dadka caadiga ee Muqdishu ayaa aad uga walaacaya askarta dheeraadka ah ee lagu daadiyey magaalada, waxayna dadku ka cabsi qabaan in arrintan ay dagaal horseedo.
“waxaan aad uga wel welsanahay dhaqdhaqaaqa miliatri ee ka jira caasimada,” ayuu yiri Cali Colow oo ah ku dhaqan degmada Wardhiigley ee koonfurta Soomaaliya.
Jimcahii, ayaa kooxaha wax-iskacaabinta ee Muqdishu ku sugan waxa ay wacad ku mareen in arbushayaan shirka nabada ayna dilayaan qof kasta oo ku hamiya inuu ka qeyb galayo waxa ay ugu yeereen ‘shirka shirqoolka’.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!