Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ciidamo Ethiopian ah oo Muqdisho ku soo jeeda

Published on: 2007-02-21 07:14:41

(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Bydhabo ee xarunta ku meel gaar ah ee dowlada federaalka Somalia ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ujeedada ciidankaasi ay tahay sidii ay mar kale wax uga qaban lahaayen xaalada amaanka ee Muqdisho, waxayna ciidanku haatan ku diyaarsan yihiin garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle, halkaasoo tababar loogu fidinayo ciidamo soomaaliyeed oo maal-mihii ugu dambeeysan tababar ku qaadanayay.

Ciidamada Ethiopian ah ayaa la sheegaya in qeybo badan oo Muqdisho ay degi doonaan, kuwaasoo doonaya inay ka hortagaan weerarada gaadmada ah ee lagu qaado fariisimada ciidamada Ethiopian-ka ah iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia, iyadoo dadka qaarkiis ay saadalinayaan inay xaaladu ay sii murjin doonto.

Xalay ilaa iyo saakay ayaa magaalada Muqdisho deganeyd kadib markii habeen hore ay weeraro xoogan oo qasaare u geysteen dad fara badan oo rayid ah oo Muqdisho ku sugan.

Weerarada lagu hayo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka ayaa sii kordhaya, xili ay soo baxayaan in dowlada ay dadaal ugu jirto sidii ay amaanka Muqdisho wax uga qaban laheyd.

Back to Category