Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ciidamo ka tirsan dowlada oo goostay

Published on: 2007-03-25 10:04:01

(SomaliNet) Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia isla markaan tababar ku soo dhameystay garoonak Balli-doogle ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxsadeen ka sii mid ahaanshaha ciidamada dowlada Somalia.

Ilaa iyo in ka badan 100 askari oo ka mid ah ciidamada tababarka ku soo dhameystay garoonka diyaradaha ee Balli Doogle ayaa lagu waramayaa inay gaareen deegaanka Buulo-Berde iyaga oo hubkooda wata sida ay xaqiijinayaan wararka laga helaya deegaankaasi.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buulo-berde ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidamada ka goostay dowlada federaalka ee Somalia markii ay deegaanka Buulobarde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay ciidamo tababar ku soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Balli-Doogle ay ka baxsadaan, iyadoo intii uu socday howlgalada ay dowlada federaalka ee Somalia ay ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka goosteen ciidamadii dhawaan tababarka ugu soo dhamaaday sida ay xaqiijinayaan dad ku dhow dhow dhanka ciidamada dowlada federaalka ee Somalia.

Back to Category