Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ciidamo ka tirsan dowlada oo toogasho lagu dilay

Published on: 2007-06-04 07:23:18

(SomaliNet) Ugu yaraan sadex qofood ayaa ku geeriyootay, iyadoo dad kalena uudhaawac ka soo gaaray kadib markii kooxo hubeysan ay maanta toogasho ku dileen labo ka tirsan ciidamada booliska Somalia, kuwaasoo ku sugnaa gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Cali Xersi Barre ookamid ah saraakiisha ciidamada booliska Somalia ayaa sheegay in dilak loo geystay qaar ka mid ah ciidamada booliska ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo burcad ah, wuxuuna sarkaalkasi beeniyay in ciidamada booliska ay rasaas ku fureen gudaha suuqa Bakaaraha, taasoo sida dadka qaarkiis sheegay ay waxyeelo ka soo gaartay dad ka ag dhawaa goobtaasi.

Sarkaalkasi ka tirsan ciidamada booliska ayaa tilmaamay in waxooga kadib markii falku dhacay uu suuqu caadi ku soo laabtay, isagoo ugu baaqay shacabka sooamaliyeed inay wada shaqeyn la sameeyaan ciidanka booliska Somalia si buu yiri looga hortago wax kasta oo amaanka wax u dhimayo.

Maal-mahan dambe waxaa soo badanaya dilalka loo geysto ciidamada dowlaad federaalka Somalia xili ay dowlada gacan buuxda ku heyso guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoofalalka qaraxyada ee lala beegsanayo masuuliyiinta dowlada federaalka ay sii badanayaan marba marka ka dambeysa, taasoo walaac ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Back to Category