Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dab qabsaday diyaarad siday qalab mileteri

Published on: 2007-03-09 07:47:30

(SomaliNet) Dab ayaa ka kakay diyaarad saakay soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taasoo waday qalab mileteri oo ay isticmaali lahaayeen ciidamada Uganda ee Somalia howlgalka ka wada.

Lama oga sababa dhabta ee dhaliyay dabkaasi, hase yeeshee afhayeenka ciidamada midawga Africa ee Somalia Paddy Ankunda jooga ayaa saxaadafa u sheegay in baaritaan lagu hayo waxyaabaha dhaliyay dabkaasi, wuxuuna tilmamay in aan ilaa iyo hadda la sheegikarin sababa dhaliayay dabka qabsaday diyaarada siday qalabka mileteri oo ay isticmaali lahaayeen ciidamada Uganda ee ka mid ah kuwa midawga Africa ee Somalia howl-galada ka wada.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray inaysan dhicin wax qasaaro ah oo soo gaaray shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi iyo qalabkii ay waday intaba, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka badbaadeen 7 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee Somalia ku soo jeeday.

Qasaaraha soo gaaray diyaarada ayaa lagu sheegay inuu dabka ka haleelay garabka diyaaradaasi.

Diyaaradaasi ayaa laga leeyahay dalka Al-Jeria, taasoomaal-mihii ugu dambeeysay duulimaadyo isdaba joog ah ku imaaneysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxayna diyaaradu keeneysay maal-mihii ugu dambeeyay ciidamad u dhashay dalka Uganda, kuwaasoo qeyb ka ahaa ciidamada midawga Africa ee Somalia howl-galada ka wada.

Waa markii ugu horeeysay ee waxyeelo soo gaarto diyaayad ay isticmaalayaan ciidamada midawga Africa ee Somalia jooga.

Back to Category