(SomaliNet) Dab ayaa maant baabi’iyay bakhaar lagu iibiyo rinjiga dhismaha oo ku yaalo wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Lama yaqaano sababa dhaliyay dabkaasi, inkastoo dadka qaarkiis ay sheegayeen in dabku uu ka bilaawday qarax koronto ku jirtay bakhaarkaasi,iyadoo gacansatada suuqa Bakaaraha iyo shirkada Hormuud ay dadaal xoog leh u galeen sidii lagu baqtiin lahaa dabka ka kacay bakhaarkaasi rinjiga lagu gado si uusan ugu sii fidin bakhaarada kale ee ka ag dhow goobtaasi.
Dabka ayaa u muuqda mid ku sii fidaya bakhaarada kale ee ka ag dhow halkaasi, iyadoo xawaaraha uu dabka ku socda uu yahay mid xoogan, waxaana dabka sii sahlaya inuu fido waxyaabaha gubanayo oo ay ku jiraan Dalawantiga rinjiga lagu qaso, taasoo markii ay biayaha taabtaanba uu dabku sare u sii kacyay.
Gabi ahaanba hantidii taalay bakhaarkaasi ayaa dab beeshay kadib markii uu dabku wada garaay bakhaarka, kaasoo baabi’iyay alaabihii halkaasi yaalay sida ay sheegeen qaar ka mid ah gacansatada halkaasi bakhaarada ku leh.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee qasaaro ka soo gaaro gacansatada suuqa Bakaaraha ee Muqdishod ab qabsaday qeybo ka mid ah suuqaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!