(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in maanta la qorsheynayo in natiijada barista rag loo qabtay qaraxii ka dhacay Kismaayo la soo bandhigo.
Wararka waxa ay leeyihiin afar qofood oo shalay loo qabtey in ay xiriir la lahaayeen qaraxii ka dhacay Kismaayo ayaa lagu hayaa xabsiga magaaladaasi.
Taliyaha Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ugu dambeyn maanta ay ragaasi u gudbin doonaan maxkamada gobolka, waa haddii buu yiri ay ku cadaadaan waxyaabaha lagu soo qabtay, ama la sii deyn doono, haddii ay ku cadaan waayaan.
Afarta qofood ee ku jira gacanta ciidamada waa afar rag ah, sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidamada Shanfool.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii magaalada Kismaayo uu xilli habeenimo ah ka dhacay qarax xoogan kaasi oo geystay dhimashada hal nin.
Qofka geeriyoodey ayay wararku sheegayeen in uu ahaa qof la sheegay in uu isagu dhigey bam, Bamkana uu ku qarxay, ka hor xilligii loogu talo galay in la qarxiyo.
Qofka geeriyoodey bamka si xun ayuu u waxyeeleeyay, waxayna sheegeen ciidamada booliiska oo goobta uu qaraxu ka dhacay ka soo qaadey in qeyb ka mid ah jirkiisa la waayey.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!