Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dad loo xirxiray dilkii gudoomiyaha Howl-wadaag

Published on: 2007-06-02 08:35:38

(SomaliNet) Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaday inay gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho marxuum Xasan Cali Farey.

Ku xigeenka gudoomiyaha gobolka Banadir ee xagga arimaha bulshada md Cismaan Dhagaxtuur ayaa tilmaamay inay soo qabteen sadex nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii gudoomiyaha degmada Howl-wadaag.

\"Waxaan saxaafadda u soo bandhigi doonnaa marka uu baaritaanka la wado dhammaado, waxaan sidoo kale rajeynaynaa inaan u soo bandhigno saxaafadda halka laga soo abaabulay dadkaas\" ayuu yiri Dhagaxtuur oo sheegay in dadaal dheeraad ah oo la sameeyay lagu soo qabtay eedeysanayaasha loo haysto falkaas dilka ah.

Gudoomiyihii degmada Howl-wagaad ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen isla degmadaasi xili uu ka soo baxay masjid ku yaalo agagaarka halkii uu deganaa marxuum Xasan Farey, iyadoo dilkaasi kadib ciidamo ka tirsan booliska ay soo gaareen goobta kadibnab ay qab qabteen dad fara badan oo ka ag dhawaa meesha.

Back to Category