(SomaliNet) Inta badan dadka Muqdisho ku nool ayaa maanta lagu arkayay iyaga oo isaga qaxaya qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah.
Boosteejeeyinka baabuurta laga raaco ee magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayay qoys fara badan oo isaga cararayo magaalada Muqdisho, kuwaasoo u socdaalayo gobolada dalka qaarkood.
Cabsidii iyo walaacii laga qaaday dhawaaqa rasaasta madaafiicda iyo waliba waxyeeladii ay shacab fara badan u geystay ayaa soo dedejisay in dad aad u fara badan ay isaga baxaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo doonaya inay helaan meel amaan ah oo ay kaga badbaadaan dhibaatada iyo waxyeelada madaafiicda ay dadka muqdisho ku nool ay habeenkii u geysto, taasoo dhalisay in dadka Muqdisho badankood ay u cararaan qeybaha kala duwan ee gobolada dalka qaar.
Hadii aad gaartid boosteejeeyinka gaadiidka gobolada waxaa lagu arkikaraa dad aad u fara badan oo u diyaarsan inay Muqdisho isaga hayaamaan, kuwaasoo xitaa aan heysan nooli ay ku qaxaan.
Caruurta, haweenka iyo dhalinyarada ayaa ugu badan dadka isaga qaxaya magaalada Muqdisho, waxaana soo xusuusaneysaa dagaaladii marxuum Maxamed Siyaad Barre, waqtigaasoo ay haeyd xiligii ugu badnaa ee dad soomaaliyeed ay isaga qaxaan magaalada Muqdisho, waqtigaasi uu socday dagaalkii ugu badnaa ee Muqdisho soo mara una dhaxeeyay ururkii U.S.C. iyo xukuumadii mileratiga aheyd ee talada dalka maamuleysay.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!