Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dadkii ugu badnaa oo manta Muqdisho ka qaxay

Published on: 2007-03-31 06:54:11

(SomaliNet) Dadkii ugu fara badnaa ayaa maanta magaalada Muqdisho isaga baxay kadib markii u dagaal xoogan xalay ka qarxay Muqdisho.

Dadkaasi ayaa badankooda u ambabaxay gobolada ku dhow dhow magaalada Muqdisho, iyadoo ay aad u sii yaraaneysa dadka ku haray magaalada Muqdisho, waxaana gabi ahaanba istaagay gaadiidka ka shaqeynayay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ay sidoo kale xirmeen inta badan goobihii ganacsiga sababo la xiriira qaxa aadka u sii banaya ee magaalada Muqdisho ka jira.

Dadka ka qaxaya magaalada Muqdisho ayaa waxay u badan yihiin caruur, haween iyo waayeel ,kuwaasoo aan haba yaraatee awood u laheyn inay barakacaan, iyadoo uu sicirka cuntada uu aad u siikacayo marba marka ka dambeysa.

Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa la soo dersay dadka ka barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ay u geeriyoodeen shuban biyood iyo xanuunka Malaria, waxa jirto wax daryeel ah oo ay dadkaasi heleen.

Magaalada ayaa haatan u muuqata md cidlo ah marka la fiiriyo sidii ay hore u aheyd, iyadoo ay kula soo derseyso cabsi marka la gaaro xiliyada habeekii ah, waayo waxaa yar dhaq dhaqaaqa iyo isu socodka dadka.

Back to Category