(SomaliNet) Dad aad u fara badan ayaa maanta isaga baxay magaalada Muqdisho kadib markii ay saakay aroorii ay ciidamada Ethiopia howlgalo cir iyo dhul ah ka sameeyeen qeybo ka mid xaafadaha magaalada Muqdisho.
Dadkaa oo u badnaa caruur, haween iyo waayeel ayaa la arkayay iyaga oo wata waxyaabihii ay ku noolaan lahaayeen marka ay gaaraan halka ay u socdaan, waxaana wadooyinka qaar lagu arkayay hooyooyin xambaarsan caruur aad u yar yar, kuwaasoo ay kala soo baxsadeen goobaha uu dagaalka ka socdo.
Inta badan dadka ayaa u cararyay gobolada Muqdisho ku teedsan sida Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Bay si ay uga badnaadaan qatarka sii kordheysa ee dagaalka, iyadoo dadkaasi wajiyadooda laga dareemayay inay awood u laheen inay barakacaan sababo dhaqaale aawadeed.
Qaxani ayaa ku soo beegmaya xili ay dib ugu soo laabayeen dad ka mid ahaa kuwii horey uga qaxay magaalada, iyadoo ay meesha ka sii baxeyso rajadi laga qabay in nabad iyo waan waan la helo kadibhowlgalo milateri oo ay saakay soo qaadeen ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!