Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaal dhexmaray maleeyshiyooyinka Maraxeen iyo Gaal-jecel

Published on: 2007-06-26 08:37:42

(SomaliNet) ugu yaraan ilaa iyo 3 ruux ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii dagaalo culus ay fooda is dareen maleeyshiyooyinka beelaha Mareexaan iyo Gaal-jecel oo wada dega gobolka Jubba hoose.

Lama yaqaano sababaha soo dedejiyay dagaalkan cusub ee u dhaxeeya labada beelood eee Mareexaan iyo Gaal-jecel, hase yeeshee waxaa lagu soo wamaraa in dagaalku uu daba socda dagaalo kale oo horey u dhexmaray labada beelood, laakiin waxgarad ka tirsan beesha Gaal-jecel ayaa ku eedeyay beesha Mareexaan inay doonayaan dhul balaarsi, iyagoo tilmaamay in beesha Mareexaan ay doonayaan inay iksu fidiyaan dhul aysan la heyn, balse ma jiro ilaa iyo hada wax war oo ku saabsan dagaalka ka soo cusboonaaday tuulada Hadaaqa oo ka soo baxay dhanka beesha Mareexaan.

Labada maleeyshiyo beelood oo kol hore dagaalo kuwan oo kale ah ay ku dhexmareen deeegaanka Beer-xaani ayaa heshiis ay labada beelood horey u wada gareen, laakin lama garanayo wax mar kale dib u soo cusbooneeyay dagaalkan oo u muuqda mid sii xoogeysanaya.

Beesha Mareexaan ayaa dhawaan guulo ka gaaray dagaal beeleed ka dhacay dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Jubba hoose, iyadoo kulan ay yeesheen odoyasha beesha Mareexaan ay ugu baaqeen in nabada gobolka Jubba hoose laga wada qeybgalo si loo helo deegaan nabdoon, waxayna sheegeen in beelaha kale e deegaankaasi ku dhaqan ay kalainta kaga aadan ka qaadankaraan dib u soo celinta nabadgelyada Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada.

Back to Category