(SomaliNet) Labo qofood ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen akdib markii uu saakay dagaal halkasi ka dhacay.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowlada Somalia iyo maleeyshiyaad deegaanka Cadaado ka tirsan, iyadoo maamulka magaalada Cadaado ay la wareegeen maleeyshiyaadka deegaanka, kadib markii ay ciidamada dowlada federaalka ay isaga baxeen halkaasi.
lama oga in dagaalku uu la xiriiro dagaalada ka socda magaalada muqdisho iyo in kale, iyadoo wararka qaar aya sheegayaan in ciidamada dowlada Somalia loo qabsaday gaadiid dagaal oo ay dowladu lahayed.
Xaalada ayaa haatan degan, iyadoo ciidamada la wareegay deegaanka ay difaac adag ka galeen hareeraha magaalada si ay uga hor tagaan hadii weerar kaga yimaado ciidamada dowlada Somalia.
Ciidamada dowlada Somalia ayaa u dhaqaaqay dhanka maamul goboleedka Puntland.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada federaalka ee Somalia ee la xiriira dagaalka ka dhacay saakay deegaanka Cadaado.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!