Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaal ka dhacay maanta Kuliyadda Jaalle Siyaad

Published on: 2007-03-23 09:03:25

(SomaliNet) Dagaal ayaa maanta mar kale ka qarxay aagga Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada M,uqdisho halkaasoo maal-mihii ugu dambeeysay ay dagaalo isaga soo horjeedeen ciidamada dowlada Somalia oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia iyo kooxo hubeysay oo si weyn uga soo horjeda dowlada Somalia.

Dagaalkaasi ayaa geystay qasaaro isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo magalada Muqdisho ay maanta inteeda kale ay ka rooneed sidii ay aheyd maalmihii la soo dhaafay.

Dagaalka maanta Muqdisho ka dhacay ayaa ku soo beegmaya xili ay shaaciyeen in ay sida wadajir ah ay xabad joojin u gaareen hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye qaarkood iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia ee Muqdisho jooga.

Qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah aya waxaa wali isku hor fadhiyo ciidamada dowlada federaalka ee Somalia oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo maleeyshiyaad si xoogan u hubeysan oo dowlada ka soo hor jeeda, iyadoo aysan muuqay dadaal lagu baajinkara inuu dagaalka sii socda.

Back to Category