Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaal ka socda dhulka soomaalida Ethiopia

Published on: 2007-05-08 08:20:23

(SomaliNet) Ugu yaraan 15 qofood ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 30 ruuxna ay dhaawac ka soo gaareen kadib markii ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaano ka tirsan dhulka ismaamulka soomaalida ee dalka Ethiopia.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo labo beelood oo ka soowada jeeda beesha Hawiye, iyadoo deegaanada uu aad uga socda ay yihiin Labo baar, Qal-qalooc, Bari-cad iyo Baarmoog oo dhamaantood ka wada tirsan dhulka ismaamulka soomaalida ee dalka Ethiopia.

Ma jiraan wax waan waan ah oo laga dhex wado beelaha isku heysta deegaamaadasi, iyadoo dagaalku uu maalinta maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo, waxaana jirta in dadka kudhaqan deegaanakasi ay isaga qaxayaan tuulooyinka uu dagaalkuka socdo.

Dhanka kale waxaa isbitaal ku yaalo magaalada guri-ceel ee gobolka Gal-gaduud la soo gaarsiiyay dhaawacyo laga keenay halka uu dagaalku ka socdo, iyadoo wararka laga helayo isbitaalka Istarliin Caruush ay sheegayaan in ugu yaraan 12 qofood oo dhaawac ah la gaarsiiyay deegaankasi.

Back to Category