Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaal laga cabsanayo inuu Kismaayo ka dhaco

Published on: 2007-06-17 08:54:45

(SomaliNet) Waxaa isa soo tarayo cabsi laga qabo in dagaalo kale ay ka qarxaan nawaaxiga magaaalada Kismaayo, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidamo ka soo kala jeeda beelihiib dhawaan ku dagaalamay magaaladaasi.

Afhayeen u hadlay mid ka mid ah beelaha halkaasi ku loolama oo magaciisa la yiraahdo Xasan Maxamed ( Xasan Dheere) ayaa sheegay in beeshiisu ay haatan qaban qaabo ugu jirto dagaal ka dhan ah beesha kale ee iyaga ka soo horjeedo, wuxuuna afhayeenku xusay in diyaar garoowga ay ugu jiraan dagaal ka dhaca Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaado ayuu ku tilmaamay inay sabab u tahay dil dhawaan ka dhacay tuulada Buulo-gaduud, halkaasoo kooxo hubeysan ay ku dileen labo ka tirsan ciidamada dowlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo ka soo jeeda beesha uu Xasan Dheere u hadlayo.

Xasan Dheere wuxuu ugu baaqay dowlada federaalka ee Somalia inay talaabo adag ay ka qaadato dhibaatooyinka faraha ka sii baxayob ee ka taagan magaalada Kismaayo iyo dilalka loo geysanayo rag ka soo jeeda beesha ninkaasi u hadlay ee Mareexaan, wuxuuna sii dabadhigay in hadii ay dowladu wax ka qaban weyso dilka loo geystay labada nine ee ay isku beesha yihiin ay dagaalo xoogan ka dilaaci doonaan deegaano ay ka mid yihiin Buulo-gaduud, halkaasoo fariisin u ah qeybta kale ee iyaga ka soo horjeeda.

Han jabada ka soo baxeysa mid ka mid ah beelaha ku dhaqan Kismaayo iyo dilkii dhawaan loogu geystay deegaanka Buulo-gaduud oo Kismayo u jirta in ka yar 30 K.M ayaa dadka qaarkiis ku beertay cabsi kale oo ku aadan in dagaal kale uu halkaasi ka qarxo, waxayan ugu yaraan dhalinkartaa is ugaasri xoogan uu dhexmara labada dhinac ee loolanka ugu jira gacan ku heynta maamulka Kismaayo.

23kii bishii April ee sannadkan ayaa dagaalo xoogan oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud uu ku dhexmaray magaaladaasi labo maleeyshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Majeerteen, kuwaasoo ku loolamaya gacan ku heynta maamulka Kismaayo.

Back to Category