(SomaliNet) Dagaalo aad u qaraar ayaa wali ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay u muuqdaan kuwa ku kaal itaal roonaan waayay dagaalka.
Madaafiicda goobta iyo kuwa loo yaqaano P.M.-ka ayaa wali lagu duqeynayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, taasoo sababtay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac xoog leh iyowlaiba barakac dheeraad ah oo la soo dersay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa ka socda goobihi hore ee shalay ay kala joogeen labada dhinac ee isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa iyo hadda dhinac guul ka gaaray dagaalka.
Ra’iisul wasaaraha dowlada federaalka Somalia md Cali Maxamed Geedi ayaa cadeeyay in dagaalka ay siiwadii doonaan in ay ka xaqiijinayaan in amaanka Muqdisho ay dowladu gacanta ku dhigto, wuxuuna xusay in dagaalku uu u dhaxeeyo kooxaha argagixisada iyoi ciidamada dowlada federaalka oo kaashanaya ciidamada dowlada Ethiopia, isagoo sidoo kale mar kale ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay isaga fogaadaan goobaha ay dagaalada ka socdaan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!