<|mogadishu200703224.jpg| |left|>
(SomaliNet) Wali waxaa qeybo ka mid ah magalada Muqdisho ka socda dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia oo kaashanaya ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan iyo kooxo si weyn u hubeysan oo dowlada ka soo horjeedo.
Dagaalada ayaa waxaa ay amanta mar kale ka dilaaceen xaafado ay kamid yihiin Kuliyada Jaalle siyaad, xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid gaar ahan deegaamada hotel Ramadaan iyo Jamhuuriya.
Madaafiic ayaa wali ku dhaceyso qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo dhawaaqa rasaasta laga maqlayo meelaha ay dagaladu ka socdaan.
Xalay ayaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa ka socday diyaar garoow dagaal oo xoogan, waxaana meelaha qaar lagu arkayay maleeyshiyaadka beelaha oo si weyn u hubeysay oo difaac kaga jira gudaha xaafadaha qaar.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!