Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaalo beeleed ka dhacay tuulooyin hoos yimaada Jawhar

Published on: 2007-05-13 07:59:14

(SomaliNet) Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii labo Jufo oo Beesha Abgaal ah uu dagaal ku dhexmaray tuuloyinka Ceel-Muruq iyo Labo Garas.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu sababay qasaarooyin ay ka mid yihiin gubashada dhul beereed ku yaalay aaga uu dagaalku ka dhacay, iyadoo dagaalku uu dagaalku uu markiisii hore ka bilaawday aanooyin dhanka beelaha ah , waxaana jirta in dagaalo kuwaan la mid ah ay labadaasi beeleed uu horey u dhexmaray.

Dadka ku dhaqan deegaamada uu dagaalku ka dhacaya ayaa bilaabay inay isaga cararaan waxyeelada uu dagaalkaasi leeyahay, iyadoo uu dagaalku uu wali ka socdo halkaasi.

Odoyaasha dhaqan ee beelaha dagaalamaya ayaa haatan bilaabay inay isku dayaan hakinta colaada sii baaheysa marba marka ka dambeysa, inkastoo wararka iyaguna naga soo gaaraya deegaamada Mahadaay iyo Cadalle ay tilmaamayaan in halkaasi ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo gurmad oo dhinac walba ku doonayo inuu ku sii xoojiyo beeshiisa si ay guul uga soo hooyaan dagaalka ka socda tuulooyinka Ceel-Muruq iyo Labo Garas.

Back to Category