(SomaliNet) Ugu yaraan 3 ruux ayaa ju geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu dagasl xoogan ka qarxay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeelda hoose.
Dagaalkaan ayaa u dhaxeeya ciidamo ka tirsan dowlada Somalia iyo maleyshiyaad ka soo horjeeda, iyado maalintii shalay ilaa iyo xalay uu deegaankaasi dagaalo ay ak socdeen sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Dhanka kale dagaal kale ayaa isna ka dhacay deegaanka Qoryooleey ee isla gobolkaasi, iyadoo uu dagaalkaasina u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo maleeyshiyad ka soo horjeeda, waxana wararki ugu dambeeyay ay tilmaamayaan in maleeyshiyadka dowlada ka soo horjeday ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qoryooleey.
Ciidamada dowlada federaalka Somalia ayaa lagu soo waramayaa inay dib uga soo baxeen halkii iska hor-imaadku ka dhacay, iyadoo ay haatan xaladu degan tahay, laakiin wararka qaar ayaa sheeegaya inay jiraab is abaabul dagaal oo wali ka socda deegaankaasi, waxana taasi sababtay in dadka deegaanka ku dhaqan ay qaarkood isaga qaxeen halki uu dagaalku ka dhacay.
Waa iska hor-imaadki ugu horeeyay ee ka dhaca deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada hoose tan iyo markii ay dowlada Somalia la wareegtay gacan ku heynta guud ahaan inta badan dalka Somalia, waxaana gobolkaasi ka taagnaa maal-mihi dambe murun dhanka maamulka ah, taasoo ay tabanayeen dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!