Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaalo ka qarxay Kismaayo

Published on: 2007-04-23 08:01:00

(SomaliNet) Dagaalo qaraar ayaa saakay ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan labo maleeyshiyo beeleed.

Dagaalkaasi ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay xaqiijinayaan dad goob-joogayaal ah oo Kismaayo ku sugan inakstoo aan ilaa iyo la garankarin inta uu la eg yahay qasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkasi sababay, hadana wararka qaar ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro.

Lama yaqaano sababaha dhaliyay dagaalkaasi, balkse waxaa jiray iska hor-imaad u dhaxeeeyay xalay labo kooxood oo ka wada tirsan ciidamada dowqlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo u kala baxay qaab qabiil, iyadoo xalay la dhacay gaarigii uu watay taliyaha guutada 1aad ee ciidamada xoogga dalka Somalia Col, Cabdirisaqa Afagduud, taasoo dhalisay xiisad aad u daran iyo iska hor-imaad ka dhashay dhaca loo geystay gaariga taliyaha guutada 1aad Col, Cbadirisaq Afgaduud.

Dhanka dad badana ayaa isaga baxay gudaha magaalada Kismaayo kuwasoo ka baqanaya in dagaalku uu ku baaho, isla markana uu isku rogo qaab qabiil, taasoo dhalinkarta in dagaalku uu daba dheeraado, dhaliyana qasaaro baaxad leh oo shacabka ku yimaado.

Waa markii ugu horeeysay ee iska hor-imaad ceynkan oo kale ah uu ka dhaco magalaada Kismaayo tan iyo markii dowlada federaalka Somalia ay la waraagtay gacan ku heynta Kismaayo.

Back to Category