Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaalo ka qarxay aagga Fagax

Published on: 2007-04-19 07:19:08

(SomaliNet) Dagaalo xoogan ayaa goor dhow ka qarxay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lasheegay inay dhawaan gaareen ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah.

Dagaalkan cusub ee maanta ka dilaacay magalada Muqdisho, gaar ahaan Fagax ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo si weyn ooga maqlayo gudaha magaalada Muqdisho dhawaaqa madaafiicfda goobta oo ay kju jiraan P.M.-ka iyo madaafiicda kale ee goobta.

Lama yaqaano qasaaraha dhabta ah ee uu dagaalkaasi geystay, hase yeeshee, wuxuu dagaalku haatan kasocdaa xaafadaha kudhow dhow isgoyska Fagax, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidmaada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda Ethiopia iyo dowlada federaalka ee Somalia, iyadoo inta kale ay magaalada yara xasiiloon tahay.

Saakay aroortii hore ayaa ciidamo fara badan oo Ethiopian ah ay ka soo dhaqaaaqeen xarunta madaxtooyada dowlada Somalia, iyagoo ku sii jeeda deegaanka Fagax, halkaasoo ay maal-mihii ugu dambeeyay uu dagaalo culus kudhexmareen ciidamada dowlada Somalia iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Wixii dagaaladaasi ku soo kordhaa kala soco Somalianeyt hadii ilaah idmo.

Back to Category