(SomaliNet) Waxaa saakay magaalada Muqdisho mar kale ka qarxay dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ee Somalia, iyadoo dagaalkaasi uu saakay ka dilaacay deegaamada Jamhuuriya, Fagax iyo agagaarka Lafweyn, halkaasoo ay isaga hor yimaadeen ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa isweydaarsanaya hubka culus iyo kan fudud, iyadoo si weyn looga maqlayo dhawaaqa rasaasta ay isku ridayaan kooxaha dagaalamaya, iyadooi sidoo kale ay labada dhinac ay isku adeegsanayaan madaafiicda iyo qoryaha waa weyn ee lidka diyaaradaha, kuwaasoo waxyeelo u geystay dadka rayidka ah ee aan dagaalkaasi ku jirin.
Wararka laga helayo jiidaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ugu yaraan ilaa 7 gaari oo Uraal ah oo wada ciidamao aad u fara badan oo Ethiopian ay ay dagaalka ku soo biireen, halka dhanka kale ay ciidamo fara badan oo si weyn u hubeysan ay iyaguna gurmad ahaan ugu yimaadeen goobta uudagaalku a socdo.
Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa la ciir ciiraya dhaawacyada, iyadoo ay qaarkood buux dhaafsameen goobihii dadka la dhigi jiray, taasoo dhalisay in dadka la geeyo meelo kale oo aan loogutalagfalin in dhaawac ka dhigo.
Ma jirto wax waan waan ah oo dagaalka ka socda Muqdisho lagu xakameynayo, iyadoo rajo laga qabo in dagaalku uu istaago ay aad u sii yaraaneyso.
Odoyaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ayaa rasmi ahaan u shaaciyay in xabad joojintii u dhaxeeysay labada dhinac ay jabiyeen ciidamada Ethiopia waa sida ay hadalka u dhigeene, taasoo dadka ku abuurtay wel wel hor leh, kadibna ku dhalisay in dad fara badan ay magaalada isaga baxaan si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka uud agaalkaasi keenikaro.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!