Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaalo qaraar oo ka dhacay Muqdisho

Published on: 2007-03-21 07:32:18

(SomaliNet) Dagaalo aad u qaraar ayaa aroornimadii hore ee saakay ka qarxay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, dagaalkaasoo geystay qasaarooyin isugu jra dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan.

Iska hor-imaad xoogan ayaa saakay ka bilaawday agagaarka wasaaradii hore ee gaashaandhiga, halkasoo ay isku fara saaren ciidamada dowlada Somalia oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia ee deegaankaasi ku sugan iyo maleeyshiyaadka aan heybtooda la garan, wuxuuna dagaalku sababay inay geeriyoodaan dad aad u fara badan iyadoo ay dhaawac soo gaareen tiro fara badan, inkastoo aan la xaqiijinkarin qasaaraha rasmiga ee uu dagaalkaasi geystay.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ay marti u aheyd dhawaaqa madaafiicda waa weyn, iyadoo xaafadaha qaarkood lagu arkayay qasaaraha uu geystay madaafiicda aan loo meel dayin ee magaalada lagu garaacayo.

Dagaalka ayaa ka bilaawday markii ay ciidamada dowlada Somalia ay howlgalo ka bilaabeen xaafada Shiirkole ee magaalada Muqdish iyo agagaarka wasraadii hore ee gaashaandhiga, halkaasoo uu si xub dagaalka ugu bilaawday una gudbay qeybo kale oo Muqdisho ka mid ah.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada Somalia ayaa sheegay in dagaalku uu ka bilaawday weerar lagu soo qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ka sameysteen agagarka wasaaradii hore ee gaashaandhiga.

Dhanka kale qax aad u fara badan ayaa ka bilaawday gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay sii xoogeysteen qaraxyada ka dhacaya Muqdisho iyo madaafiicda aan loo meel dayin ee ku dhaceysa Muqdisho.

Sidoo kale dagaal kale dagaal kale oo xoogan ayaa ka bilaawday agagaarka hotel Ramadaan, halkaasoo ay isaga hor yimaadeen ciidamada dowlada Somalia iyo maleeyshiyaadka dowlada si weyn uga soo hor jeeda, laakiin u muuqda inay yihiin kuwa abaabulan, mana jirto war rasmi ah oo la xiriirta xogta dhabta ah ee dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geystay.

Iska hor-imaadyada Muqdisho ka dhacay maanta ayaa lagu t5ilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee magaalada ka dhaca tan iyo intii ay dowlada Somalia soo gaartay magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ila aiyo hada ka socda aaga hotel Ramadaan, iyadoo la maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Wixii ku soo kordha dagaalkaasi kala soco Somalinet hadii ilaah idmo.

Back to Category