<|cresent_moon.jpg|Dayax Madoobaad|left|> (SomaliNet) Xalay saqdii dhexe abaarihii 1dii iyo 20 daqiiqo ee xiliga Muqdisho ayaa laga warhelay dayax madoobaad xoogan oo socday ilaa iyo ku dhawaad salaada subax.
Markii la dareemay in dayuxu uu qeyb ka mid ah madoobaaday ayaa durbadiiba la bilaabay in salaad Alle tuug ah la dukado, iyadoo xalay saqdii dhexe laga maqlayay Muqdisho dukashada salaada Alle tuug ah e la dukado marka ay qoraxda ama dayuxu madoobaadaan.
Kooxo dhalinyaro ah ayaa xalay xili dambe isugu soo baxay Muqdisho, kadib markii ay dareemeen in dayuxu uu madoobaaday, waxay dhalinyaradaasi ku dhawaaqayeen erayo Alla bari ah oo Ilaad looga baryayo in dayuxu uu sidii ku soo laabto, waxayna dhalintaasi ay siteen Idin, dab iyo foox.
Sidoo kale dadka somaaliyeeed ee k dhaqan qeybo ka mid ah gobolada dalka Somalia ayaa isugu so baxay wadooyinka si ay ilaah uga baryaan inuu dayaxuhu uu sidii ku soo laabto.
Muslimiinta ayaa rumeysan in marka uu dayaxu madoobaado ay tahay wax lagu cirbo qaato, isla markaana loo baahan yahay in Ilaah loo laabto oo dambi dhaaf la weydiisto, halka ay saynisyahanada ay ka aaminsan yihiin in dhulku uu soo kala dhexgalay dayaxaha iyo qoraxda, sidaasina uu dayaxuhu ku madoobaado.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!