Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dekeda Kismayo oo dib u howl bilaawday

Published on: 2007-05-14 07:15:31

(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada xeebta ah ee Kismaayo ayaa sheegaya in ay dekeda Kismaayo ay howlaheedi ay dib u bilaawdeen kadib markii laga kaxeeyay ciidamo ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia oo maal-mihii tagay xirtay dekedaasi.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia iyo maamulka degmadasi ay ciidamadii gadoodsanaa ay halkaasi ka kaxeeyen kadib markii ay qanciyeen.

Deeq Cabdi oo ah maareeyaha dekeda Kismaayo ayaa saxaafada u sheegay inay wadahadlo la qaateen ciidamadii gudaha u galay dekeda isla markaasina ay ku qanciyeen inaysan is hor istaag aysan ku sameyn howlaha dekeda, ayna cidiamadii ka aqbaleen arintaasi.

Arintaana ayaa ku soo beegmeysa xili ay qeybo kamid ah maamulka gobolka Jubba hoose ay ka maqan yihiin gudaha magalada Kismaayo kadibmarkii ay halkaasi ka dhaceen iska hor-imaad beeleed, laakiin markii dambe salka la galay qaab siyaasadeed.

Dekeda Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay ilaha ugu muhiimsan xagga dhaqaalaha ee magaalada Kismaayo.

Back to Category