(SomaliNet) Diyaarada sida la sheegay ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa galabta ku burburtay duleedka bari ee Muqdisho.
Lama yaqaano sababaha rasmi ah ee dhaliyay burburka diyaradaasi, hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaarada oo joog hoose ku socotay lala helay gantal ay ku rideen kooxo hubeysay oo aan heybtooda la garan.
Afhayeenka ciidamada midawga Africa ee Somalia Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in diyaadaraasi ay saarnaayeen 11 qofood, iyadoo wararka qaar ay sheegayan in diyaaradu ay farsamo yaqaano iyo qalab kael u keentay diyaaradii iyana todobaadkii hore ee dab ku qabsaday garoonak diyaaradaha ee Muqdisho.
Dadka ku dhaqan waqooyi bari ee magalada Muqdisho ayaa Somalinet qadka teleefoonka ugu sheegay in la arkayay diyaarada oo qiic madoow qeybta dambe ka socda isla markaana sii hoobaneyso, taasoo ku burburtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceel-macaan.
Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada federaalka ee Somalia ee la xiirita burburka soo gaaray diyaaradaasi galabta ka kacday garoonak diyaaradaha ee Muqdisho.
Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira waxa sababay gubashada diyaaradii manta qalabka iyo farsamado yaqaanada u keentay diyaaradii horey uu cilada usoo gaaray garoonakd iyaaradaha ee Muqdisho.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!