(SomaliNet) Dooni sida la sheegay ka timid dalka India, isla markaana u socotay dalka Iskutaga Imaaraadka carabta ayaa saakay ku gubatay maarsada magaalada Kismaayo.
Lama yaqaano sababaha dhaliyay dabka qabsaday doontaasi, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in doonta la saaray dhuxul nool, sidaasi daraadeedna uu dabka ka dhashay dhuxusha nool ee la saaray doontaasi.
Masuuliyiinta dekeda Kismaayo ayaa sheegay in dhuxusha saarneyd doontaasi lagu qiyasay inay dhan tahay in ka badan 150, 000 doolarka Mareykanka, taasoo ah qasaare aad u weyn oo soo gaaray ganacsatadii ay u rarneyd doontaasi.
Gubashada doonta ayaa ku soo beegmeysa xili ay dowlada federaalka ee somalia ay dhawaan soo saartay wareegto lagu mabnuucayo dhoofinta dhuxusha ee loo qaado dalalka ay jiraan carabta.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!