Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlad goboleedka Puntland oo aqbahsay sharciga canshuuraha

Published on: 2007-04-12 11:09:21

<|bosaso200704128.jpg| |left|>
(SomaliNet) Dowlad goboleedka Puntland oo kaashanaysa Ganacsatada oo ogolaaday sharciga cashuurada dowlada federaalka kmg ah ee Somalia usoo bandhigtay

Ra\'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Ganacsatada reer Boosaaso ayaa maanta kulan ku yeeshay Hotel International Village Boosaaso, kulankan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah iyadoo ay wada fadhiyeen Madaxweynaha M.G. Puntland Md. Cadde Muuse iyo golahiisa Wasiirada waxaana kasoo baxay arrimo raali la isaga wada yahay iyadoo laga hadlayey Cashuuraha Dowlada federaalka ay usoo bandhigtay dhamaan dalka Somalia oo dhan.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ganacsatada Puntland Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Ceelaanyo) oo codsi usoo jeediyey Dowlada federaalka kmg ah sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ummadooda gaar ahaan ganacstada oo ugu raadin lahaayeen aqoonsi caalami ah sidoo kale waxa uu ku dhiiri galiyey dowlada federaalka sidii xoolaha Somalia ay ugu dadaali lahayd in laga qaado cunaqabataynta ay saareen dowladaha carbeed.

Waxaa hadalkii qaatay Madaxweynaha Dowlad G. Puntland Md. Maxamuud Muuse Xersi (Cade Muuse) oo sheegay in ganacsiga reer Puntland looga baahan yahay inay sameeyaan tartan kusaabsan sidii ay ummadooda ugu soo bandhigi lahaayeen maciishad raqiis ah oo iyaga aan qasaaro u keeneyn wuxuu kaloo tibaaxay in dowlada Federaalka iyo tiisa ay xalay go\'aan soo wada saareen oo ah Cashuuraha Dalka Somalia oo dhan in laga dhigo kuwo isku mid ah taasoo guux badan galisay ganacstada reer Puntland.

Waxaan ka shaafinayaa ganacsatada suuqa la wareegaysay Dowlada Federaalka waxay wadaa wax bulshada kicinaya ama sicir barar keenaya arrinta sidaa maahan waxa ay noo soo bandhigeen Dowlada federaalka iyo Cashuuraha aan inagu qaadno wax farqi oo u dhaxeeyaa ma jirto wax cashuur kordhin ahna mijirto laakin waxaanu aragnay waxyaalo u baahan Gudi farsamo oo xoogaa aan kukala duwan nahay taasina waxaa saxaya gudi labada dhinac kakala socda oo ku taqasusay cashuuraha ka dib waxaa la marsiin doonaa Baarlamaanka Puntland iyagaa go\'aan ka gaaraya ka dib dowlada federaalka ayaa loo geynayaa iyadana Baarlamaanka federaalka ay ku celinayaan waxaan ku kala duwan nahayna ma jirto 99% waa isku mid taasna sidaasi uga daawooba ayuu yiri Md. Cadde Muuse madaxweynaha dowlad goboleedka Puntalnd.

Md. Cadde Muuse waxa ka hadlay oo kale arrimaha Xoolaha wuxuu sheegay in xoolaha somalia oo la cunaqabateeyey ay tahay arrin looga dan leeyahay in suuqyada caalamka aysan ugu faa\'idaysan ama u jabin taasna waxay keentay dhibaatooyin badan waxaana dhowr jeer oo hore hishiis aanu la galnay shirkado shisheeye hadana wax kasuura galay ma jiraan waxaana dhacday in xoolahii Somalia la geeyo dalka Djabouti si halkaasi looga raro taasna waa waxoogaa faa\'iido ah si dalkaasi looga sii dhoofiyo qofkii noo keena ama ganacsadihii noo keena faa\'iido shacabka ah waanu soo dhaweynaynaa ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyey.

Waxaa sidoo kale kulankan ka hadlay laba wasiir oo ka tirsan dowlada Federaalka kmg oo kala ahaa Wasiirka Ganacsiga Prof. Afrax oo soo bandhigay shatiga ay yeelanayaan ganacsatada oo dhawaan la hor dhigi doono golaha Wasiirada dowlada Federaalka kmg isla markaana uu ku guda jiro sidii uu samayn lahaa Gole ganacsato oo heer qaran ah oo yeelanaya gudoomiye oo ka shaqeysa dhibaatooyinka horyaala ganacsatada, wuxuu xusay Wasiirku in la nidaamin doono dhamaan inta lasoo sheegay, mar uu ka hadlayey dhanka Xoolaha laga mamnuucay dhoofintooda dalka Somalia ayaa u wakiishay Ra\'iisul Wasaare Geedi oo ah Dhaqtar taqasus ku leh xanaanada Xoolaha waxbadana ka og arrimahaasi.

Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Dowlada federaalka kmg Md. Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo isagana diirada saaray in ganacsatada reer Puntland ay taageero u fidiyaan dowlada Federaalka oo ku tilmaamay in aay haatan u baahan yihiin in la kaalmeeyo maadaama buu yiri ay xasilin ku jirto dowladu wuxuu xusay Wasiirku in Magaalada Muqdisho ay ugu harsan yihiin xaafado kooban oo kaliya inta laga gaarayana uu ka codsaday in ganacsatada ay bixiyaan macaawino la siiyo dowlada federaalka.

Waxaa hadalkii qaatay Ra\'iisul Wasaare Geedi oo aad ugu dheeraaday Xoolaha dhoofintooda dhibaatoyinka haysta iyo ganacsatada Soomaalida ee xoolaha ka ganacsada sharuudaha looga baahan yahay inay yihiin kuwo looga gudbi karo dhibaatooyinkaasi.

Prof. Geedi ayaa sheegay inuu ka qeyb galay dhowr shir wuxuu soo qaatay in 2005-tii shir ka dhacay dalka France oo ay soo qaban qaabisay (O.I.E) oo Somalia ay xubin ka tahay uuna ku tilmaamay in sanadkii la bixiyo 9.000$ sagaal kun oo doolar kaliya lagu yeeshay sanado badan isla markaana aaysan bixin uu ka codsaday in loo cafiyo deyntaasi si buu yiri Somalia ay noqoto mid cod ku yeelata ururkaasi si buu yiri ay uga hadasho dhibaatada ka haysata dhoofinta xoolaha iyagoo caafimaadkooda qaba.

Hadaba Ra\'iisul Wasaaruhu wuxuu diirada saaray in ay jiraan caqabado badan oo ganacsatada dhexdeeda ah oo ay ugu horeyso isago kulan la yeeshay mar uu tagay Raysul Qeyma oo ka tirsan UAE ninka xukuma degmadaasi oo leh dekad loogu talo galay in laga soo dajiyo Xoolaha oo kaliya uu ugu sheekeyey dhibaatada Ganacsatada Soomalida ay tahay iyagoo is barbar yaacaya hadii saxiix looga baahdana ay ku saxiixayaan dadka hortooda aysan lahayn xafiisyo ay lasoo noqdaan oo habaysan.

Qaranka Somalia Wasaarada xanaanada Xoolaha waxay diyaarinaysaa inay keento sheybaar caalami ah oo lagu baaro xoolaha Somalia oo dhan hadii shaki uu yimaadana la geyn doono Xafiis ay leeyihiin East Africa, markaa ka dibna la suuq geyn doono hadii cudur lagu helo markaasi suuqa Somalia la xerayo waqti kooban oo talaalka iyo daweynta socoto, lacagtii lagu xukumay 2005-ta iyo 2006-da ay midiwga Yurub oo ra\'iisul wasaaruhu ka codsaday ay ogolaadeen bixinteeda.

Ugu danbayntii Ra\'iisul Wasaaraha ayaa ku wargaliyey imaanshiyahooda Puntland inay ugu weyneyd sidii loo mideeyn lahaa cashuuraha dekadaha Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo isagoo tibaaxay in ay kala kulmeen maamulka Puntland si is afgarad ah wax buuqna aysan ka taagnayn balse Muqdisho iyo kismaayo ay dhibaato badan soo food saartay taasna ay ugu wacan tahay in 10sano ay puntland ku dhaqmayeen xeer ay dhigteen laakin Koonfur aysan ka jirin cashuuro mudadii 17sano la soo dhaafay uma aanan imaan inaan cashuur idiinku kordhino ee waxaan u nimmo inaan mideeyno sharciga Cashuuraha dowlada Somalia oo dhan markaan is barbardhignayna wax isbadal ah ma jiraan waa isku mid waxaana jira waxyaalo yar yar ah gudi baana u saarnay waxayna soo marayaan jidkii loogu talo galay.

Gabagabadii ayuu ra\'iisull Wasaaraha ugu warbixiyey xaalada Muqdisho wuxuu xusay in saxaafada waxyaalaha ay buun buuninayaan ay tahay waxkama jiraan wuxuuna ku tilmaamay in aysan jirin dowlad iyo Qabiil dagaalamaya wuxuuna ku nuuxnuusaday in ay jiraan kuwo diidan dowladnimada walina ma hayno qabiil ama beel kasoo horjeeda dowlada waxaana ganacsatada ka codsanaynaa in ay dowlada Soomaaliyeed taageeraan, waanu ognahay in maamul goboleedka Puntland ay si wanaagsan gacanta ugu qabteen taageerida dowlada fkmg qarashyadaasina waxay kasoo uruuriyeen ganacsatada iyo shacabka reer Puntland haatana waxaan ugu fadhinaa inay isa soo gartaan oo ay noo keenaan mucaawino, waad aragtaan shacabkii qax iyo cudur baa galay hadan dowlada tabar uma hayso waxay xooga saaraysaa sugida amniga Muqdisho oo muhiim u ah jiritaanka qaranimo ayuu hadalkiisa kusoo idleeyey raysul wasaaraha.

<|bosaso200704129.jpg| |center|>
<|bosaso2007041210.jpg| |center|>

Back to Category