Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlada Ethiopia oo safaarad ka ka furatay Muqdisho

Published on: 2007-05-27 09:43:06

<|ethiopian_embassy_somalia1.jpg| |left|>
(SomaliNet) Munasibad balaaran oo dib loogu furaayey safaaradii dowlada Ethiopia ay ku laheyd dalka somaliya ay ka qeyb galeen madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed mudane Cabdulahi Yuusuf Axmed ,Rasiisalwasaaraha dowlada fadaraalka ah prof : Cali Maxamed Geedi ,wasirka arimaha dibada ee Ethiopia siyum misvin ,qaar ka mid ah xubnaha labada gole taliyayaasha ciidamada qalabka sida dowlada fadaralka ,kuwa AMISOM iyo ciidamada Ethiopia .maamulka gobolka nabadair iyo marti shraf kale taas oo ka dhacday xarunta cusub ee safaarada oo ah ka soo horjeedka villa somaliya ee magaalda muqdisho,

Xafladaan oo u muuqatey mid si degan looga soo shaqeeyey ayna ku gadaamnaayeen ciidamada qalabka sida ee Ethiopia , kuwa AMISOM, iyo ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed waxaa ugu horeyntii halkaas markii ugu horeysay si wadajir ah calankii dowlada Ethiopia u wada saaray Raiisal wasaaare Cali Maxamed Geedi iyo wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia siyum misvin waxeyna halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan cidamada dowlada Ethiopia ,

Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia Mr. Siyum musvin oo ugu horeytii halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in xukuumada Ethiopia ay safaaradeedii dib uga furato mudo 16 sano ah ka dib wuxuuna meesha ka saaray in ay dhamaatey cadaawadii hore ee u dhaxaayn jirtay maamuladii hore ee dalaka somaliya iyo Ethiopia , wuxuuna hosta ka xariiqay in manta dhibaatada jirtaa ay tahay faqri sidii looga bixi lahaana ay waajib tahay in ay iska kaashadaan labada dowladood iyo labada shacbi ee deriska ah.

Raiisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo isne munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii wuxuu sheegay in dib u furida safaarada Ethiopia in ay tahay safaaradii labaad ee ay furtaan labada dal , waxaana jirtay in sanadkii hore dabayuaaqadiisii uu sidaan oo kale xarunta Ethiopia ee adis ababa laga taagay calankii safaarada somalida ee dalkaasi Ethiopia aniga iyo siyum misvin aan si wada jir ah uga wada taagna xarunta safaarada somaliya ee dalka Ethiopia

waxaana ku faraxsanahay in manta magaalada muqdisho oo leh jawi nabadeed dib looga furo safaradii Ethiopia waxeyna noogu fadhidhidaa arintaasi qiimo aad iyo aad u weyn si gaar ahna dowlada Ethiopia oo aanu saaxiibo nahay ,walaalo naahay ,deris nahay , waxeyn shacbiga iyo dowlada somaliyeed ugu deeqday wax bini ,aadan isa siiyo waxaa ugu qaalisan oo ah dhiigooda in ay u daadiyaan naabda ka jirta somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ayuu yiri Prof : Cali Maxamed Geedib oo intaa sii raaciyey in dhiigaasi wada galeen uu yahay mid ujeedadiisu tahay in lagu xasiliyo dalka Somalia guud ahaan gaar ahaana mandaqada geeska africa ,

“waxaa la wada garan karaa sida uu wasiirkuba sheegay colaadihii artivishalka ahaa ee labada dal ee u dhaxeyn jiray Ethiopia iyo somaliya ay dhanaadeen waa hore sida u sheegay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia cadowga kaliye ee ka jira geeska Africa waa faqriga waxaana looga bixi karaa in la nabadeeyo mandeqada geeska Africa la iskanen kaashada wada shaqeyntaa hadafka labada dowladood iyo labda shacbine waa sidaas ayuu yiri prof: Geedi

Cali Maxamed Geedi waxaa uu hambalyo gaar ah u diray wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia siyum misvin oo u yimd dalka in uu manta safaarada ka furo magaalada muqdisho waxaana u rajeynayaa ayuu yiri in dalalka kale ee caalamka ay sidaan oo kale ay uga furtaan safaaradoohii magaalada muqdisho oo uu sheegay in xaalada somaliya ee manta uu u furmay baal cusub una bilaabatay naabd

sidaa darted ayuu yiri Cali Geedi in ay ku wada shaqayn doonaan dowlad asomaliyeed iyo dowlada Ethiopia isaga oo caalamkane ka codsaday in ay taageero siiyaan nabada ka aslaaxday somaliya

Raiisal wasaaraha dowlada fadaraalka K.M.G Somaliya Cali Maxamed Geedi wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyey oo uu sheegay in ay manta safaaradeedii markale dib uga furato magaalada muqdisho calankeediina ay ka dul taagato gudaha safaarada ,

“waxaan sidoo kale mahad gaar ah u celinayaa dowlada Uganda oo ah dowladii ugu horeysay oo soo horkacda ciidamada uu ugu deeqay ururka midowga Africa ee AMISOM dowladaha dhimane waxaan ka codsanayaa “ ayuu yiri Cali Geedi inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamadooda ugu soo diraan Somalia.

<|ethiopian_embassy_somalia2.jpg| |center|>
<|ethiopian_embassy_somalia3.jpg| |center|>

Back to Category