Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlada K.M.G ah oo xirtay idaacadaha Muqdisho qaarkood

Published on: 2007-06-06 07:02:54

(SomaliNet) Dowlada federaalka K.M.G ah ee Somalia ayaa maanta wareegto ay soo saartay ku xirtay idaacado ka dhisan magaalada Muqdisho.

Warqada kasoobaxday xaafiiska wasiirka warfaafinta ee dowlada federaalka Somalai ayaa lagusheegay in idaacadaha kala ah Horn Afrik, Shabelle iyo idaacada Quraanka Kariimka ah lagu amray inay xiraan idaacadahooda, iyadoo sabab looga dhigay inay idaacahaasi ay dhiirigaliyaan wax ay dowladu ugu yeerat argagixisada.

Wareegtada ka soo baxday xaafiiska ra\'iisul wasaaraha, islamarkaana la soo marsiiyay wasiirka warfaafinta eedowlada Somalia ayaa sidoo kalelagu sheegay in lala xisaabtamo doono masuuliyiinta idaacadahaasi inta ay hawada ka maqan yihiinidaacadaha.

Talaabadani ayaanoqoneysa midkii ugu horeeysay ee ka soobaxda xaafiiska ra\'iisulw asaaraha Somalia eelaguamrayo inlaxiro idaacadaha madaxa banaan ee Muqdisho ka jira, iyadoo kol hore ay dowlada federaalka ee Somalai mudo gaaban ay xanibaad u geystay idaacahadaasi, waxayna sidoo kale dowladu ay albaabada isugu dhufatay xaafiiska Al-Jaziira ee Muqdisho.

Arintani ayaa soobaxday maal-mo kadibmarkii golaha wasiirada ee dowlada Somalia ay ansixiyeen sharciga cusub ee lagu dhaqayo saxaafada Somalia.
<|wareegto200706061.gif| |center|>

Back to Category