(SomaliNet) Dowlada federaalka ee Somalia aya maanta si rasmi ah uga hadashay waxyaabahasababay qaraxii diyadareed ee shalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Somalia md Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere) oo maanta shir jara\'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa diyaaradii shalay ku burburtay duleedka magaalada Muqdisho ay ka dambeysay cilad ka dhalatay matoorka diyaarada taasoo uu sheegay in markii hore oo ay diyaarada ka kaceysay garoonakd iyaaradaha ee Mqudisho ay ciladi ku jirtay, wuxuuna wasiirku sheegay in diyaarada ay ku soo wargalisay kadib wax yar markii ay garoonak ka duushay inay dib ugu soo laabaneysa isla garoonkii ay ka duushay ee Muqdisho, wuxuuna carabaabay in intii aysan soo gaarin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku burburtay meel u dhaxeysa degmada Balcad iyo dekeda dabiiciga ah ee Ceel-macaan.
Gacmo Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi ay gabi ahaanba ku geeriyoodeen shilkaasi, wuxuuna cadeeyay in diyaaradaasi ay nuuceedu ahaa I.L76 oo laga lahaa dalka Ukrain, taaasoo uu tilmaamay inay u timid inay matooro ka qaado diyaarad kael oo garoonak Muqdisho ku ciladeysneyd si loo soo farsameeyo.
Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Somalia aya sheegay in diyaarada ay ku duuleeysay joog dhan ilaa 10 Kun oo mtr ka hor intii aysan ciladu soo gaarin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowlada federaalka ee Somalia aysan dooneynin in qaraxa diyaaradaasi ay siyaasadeeyaan madaama ay ay dad ku geeriyoodeen, wuxuuna intaasi sii dabadhigay in aysan waxba u dhimeynin howlaha garoonka diyaradaha ee Muqdisho
Shalay abaarihii 5tii galabnimo ayay hayed markii ay diyaarada ka kacday garoonak diyaaradaha ee Muqdisho ay ku burburtay duleedk magaalada Muqdisho.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!