Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlada Somalia oo magacawday gudiga dib u heshiisiinta

Published on: 2007-03-22 07:58:47

(SomaliNet) Madaxweynaha dowlada federaalka ee Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa si rasmi ah u magacaabay gudiga dib u heshiisiinta qaranka.

Madaxweynaha oo shir jara\'id xalay ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in gudigaasi uu madax u yahay md Cali Mahdi Maxamed oo hore madaxweyne uga soo noqday, iyadoo gudigaasi ay xubno ka yihiin xubno caan ka ah dalka Somalia, waxaana kamid ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, Maxamuud Jirde Xuseen, Axmed sheekh Muqtaar, Maxamuud Yuusuf Nuurre iyo Faarax Waceys Dhuulle.

kadib magacaabistii gudigaasi ayuu md Cali Mahdi Maxamed sheegay in ay jiraan dadka ka karti iyo dadaal badan oo ummadda soomaaliyeed ku jira, balse hadii ay dowlada Somalia ay u garatay in iyaga loo dhiibo dib u heshiisiinta qaran ay qabanayaan.

Sidoo kale madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo hadal koban halkaasi ka jeediyay aya tilmaamay in gudigu uu madax banaan yahay hagitaanka shirka dib u heshiisiinta qaran ee beelaha soomaaliyeed, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo bartamaha bisha fooda ina soo heysa.

Ku dhawaaqista gudigaan ayaa ku soo beegmaya xili ay magaalada Mqudisho ka qaxreen dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowlada Somalia iyo kooxo hubeysan oo dowlada ka soo horjeeda.

Back to Category