Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlada oo ciidamo ka ururineysa Jamaame

Published on: 2007-02-22 07:39:21

(SomaliNet) Masuuliyiinta dowlada K.M.G. ah ee Somalia ee magaalada Jamaame ayaa haatan wada qorshe lagu xareynayo ciidamada maleeyshiyaadka ah ee deegaankaasi ku sugan.

Ciidankaasi ayaa lagu xareynayaa xerada tababarka ciidamada ee Lugloow oo ka tirsan gobolada Jubba dhexe, halkaaso maal-mihii ugu dambeeyay ay si saraaxad leh uga socdeen xareynta maleeyshiyaad tababar loo fidinayay, waxaana la sheegay in maleeyshiyaadka tababarka loo fidinayo lagu biirin doono ciidamada xoogga dalka Somalia ee gobolada Jubba dhexe.

Deegaamo badan oo ka tirsan Jubba dhexe ayaa haatan waxaa ka soconaya xareynta maleeyshiyo beeleedyada, kuwaasoo la filayo inay ka mid noqdaan ciidamada dowlada somalia, iyadoo sidoo ciidamadii hore ee xooga dalka Somalia iyaguna lagu xareynayo xeradaasi Lugloow si iayugan tababar loo siiyo.

Maleeyshiyadkaasi ayaa lagu soo waramayaa hadii ay tababarka dhameystaan in la doonayo inay ka qeybgalaan dib u soo celinta nabadgelyada Jubbooyinka iyo la dagaalanka burcada oo haatan u muuqata cadawga ugu weyn ee hortaagan dowlada federaalka Somalia.

Back to Category