Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlada oo galabta 3 askari looga dilay Muqdishu

Published on: 2007-09-02 15:13:04

(SomaliNet) Saddex askari ayaa lagu dilay, iyadoo saddex kale oo rayid ahna lagu dhaawacmay markii kooxaha wax iskacaabinta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo aya saarnaayeen ciidamada dowlada oo maraysay xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdishu, sida ay sheegayaan dadka deegaanka galabta.

Dagaalyahaniinta Islaamiga ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday boolis ku soo laabanayay saldhigooda oo ku yaalla meel ku dhow isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS abaarahii shantii galabnimo ee maanta, waxa ay is dhaafsadeen rasaas socotay 15 daqiiqo.

Goob joogayaal ah ayaa u sheegay Somalinet in ka dib iska horimaadka ay arkeen meydadka saddex askari oo boolis ah oo dhulka yaalla.

Saddex kale oo rayid ah oo wadadad maraysay ayaa iyana ku dhaawacmay rasaasti la isweydaarsaday.

Ma cadda weli khasaaraha soo gaaray kooxaha mintidiinta oo ku baxsaday xaafadaha.

Askar xoojin ah ayaa ku soo cararay aaga uu ka dhacay iska horimaadka waxa ayna hareereeyeen aaga shaqaaqada ay ka dhacday, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku doonayan inay ku soo qab qabtaan dadka la tuhmo.

Afahyeenka booliska Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay inuusan wax xog ah ka hayn arrinta dhacday uuna u sheegay Somalinet in mar dambe uu faahfaahin doono dhacdada.

Waxa uu ku dooday in magaalada ay maanta deganeyd oo aysan dhicin wax rabshado ah.


Back to Category