Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dowlada oo maanta laba askari looga dilay Muqdishu

Published on: 2007-07-29 09:05:34

(SomaliNet) Qof la tuhunsan inuu ka mid yahay kooxaha mayalka adag ayaa maanta toogasho ku dilay laba askari oo ka tirsan dowlada KMG oo ku sugneyd suuq Bacaad ee ka mida degmada Yaaqshiid ee waqooyiga Muqdishu.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Somalinet in ninkan mintidka ah uu weerar gadamo ah kuq aaday askartan oo maraysay gudaha suuqa Bacaad abaarahii 12:20 daqiiqo ee maanta.

“Nin ku hubeysan bistoolad ayaa weerar gaadmo ah ku dilay askarta,” ayuu yiri goob jooge ka gaabsaday magaciisa.

Wax yar ka dib markii toogashadaasi ay dhacday ayaa ciidamada amaanka waxa ay xireen aaga, waxa ayna bilaabeen baaritaano gudaha suuqa, iyagoo soo qab qabtay dhowr qof oo lagu xiriirinayo weerarka dhacay.

Booliska ayaa su’aalo weydiinaya dadka la xiray. “Qofkii lagu waayo wax dembi ah waa la siideyn doonaa laakiin qofkii dembi lagu helo waa la xiri doonaa,” ayuu yiri sarkaal xaga deegaanka ah.

Askarta dowlada iyo ciidamada Ethiopia-ka ayaa bartilmaameed u ahaa weeraro gaadmo ah iyo bambaanooyin ay fulinayaan kooxaha muqaawadamada ilaa dalka laga saaray maxaakimtii Islaamiga dabayaaqadii bishii December sanadkii 2006-dii. Maxaakimtii Islaamiga ayaa soo xukumayey badi koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo lix bilood ah.

Back to Category