<|mogadishu200704211.jpg| |left|>
(SomaliNet) Ugu yaraan ilaa iyo 30 qofood ayaa ku geeriyootay duqeyn shalay, xalay ilaa iyo sakay ka socotay magaalada Muqdisho, iyadoo tiro fara badana uu dhaawacyo kala duwan ka soo gaareeen duqeyn xad dhaaf ah oo ay ciidamada Ethiopia ku hayaan qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Ciidamada Ethiopia ee fariisimada ku leh xarumaha Villa Somalia, Ex, xaruntii hore ee asluubta iyo wasaaradii hore ee gaashaandhiga ayaa duqeyn aan loo meel dayid ku wado xaafadaha Towfiiq, agagaarka jidka warshadaha, qeybo kamid ah suuqa Baraakaraha, wadada warshadaha iyo qeybo kale oo Muqdisho ka tirsan, halkasoo ay ku dhaqan yihiin dad rayid ah oo wali ku harsan magaalada Muqdisho.
Duqeyntan ayaa ah tii ugu dareyn ee ay ciidamada Ethiopia ku garaacaan xaafadaha ay ku nool yihiin dadka shacabka ah, iyadoo ciidamadu ay ku ridayaan madaafiicda P.M.-ka, hoobiyayaal iyo kuwa goobta, waxaana sidoo kale ay kooxaha ka soo horjeda ay iyaguna ku ridayaan maadaafiicda loo yaqaano hoobiyaha, taasoo iyana qasaare u geysaneysa xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ka dagaalaya.
Duqeyntaan ayaa yimid kadib markii uu ra\'iisul wasaaraha dalka Ethiopia shaaca ka qaaday in uu dagaalka uu sii wadayaan ciidamada Ethiuopia ee Muqdisho ku sugan, taasoo meesha ka saartay rajadii laga lahaa in xabad joojin ay wada gaaraan dhinacyada isaga soo horjeeda gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo u muuqda inaysan kala itaal rooneen marka la fiiriyo awooda ciidan ee labada dhinac
Dagaalka ayaa galay maalintii sadexaad ee is xiga, iyadoo ay sii kordhayaan qasaaraha uu shacabka u geysanyo, mana jirto dhinac guul mileteri ka gaaray dagaalka socda.
Dad aad u fara badan ayaa wali isaga sii baxaya gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ka baqaya in qasaare ka soo gaaraan dirirta aan shacabka loogu aabayeleyn ee Muqdisho ka jirta.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!